Maraykanka oo gudaha Kenya ka bilaabaya duqeymo ka dhan ah Al-shabaab

Sida uu baahiyay wargeyska New York Times oo soo xigtay saraakiil Milateri, Mareykanka ayaa codsaday ogolaansho ah inuu qaadi karo duqeymo ka dhan ah kooxaha ka tirsan Al Shabaab ee ka howlgala qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bariga ee Kenya.

Codsigan ayaa waxaa sii xoojiyey weerar ay Al-Shabab ku qaadeen saldhig militari oo ku yaal gobolka xeebta ee Lamu, bishii Jannaayo, halkaas oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah kaasoo Al-Shabab ay sheegtay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa muujiyay in aysan ogoleyn in diyaaradaha drone-ka ee Mareykanka ay duqeyn ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobolkaas.

Sida ku qoran New York Times, Col. Christopher P. Karns, oo ah afhayeenka guud ee taliska, ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo codsigaas.

“Taliska AFRICOM waxay aqoonsanayaan baahida loo qabo in la adeegsado cadaadis caalami ah oo joogta ah oo ka dhan ah Al Shabaab, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda, jiritaankooda, loogana hortago fiditaankooda,” ayuu yiri Colonel Christopher oo la hadlay wargeyska.

Qorshaha ku aadan suurtagalnimada ah in duqeymo cirka la fuliya waxaa ka mid ah in militariga Mareykanka loo ogolaado in uu weeraro dhanka cirka ah ka geysan karo deegaannada qaar ee ka tirsan Bariga Kenya, sida Gaarisa iyo Laamu oo xudduud la leh saldhigga militari ee Manday Bay oo ku yaalla xeebta una dhaw xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka Maraykanku doonayo inuu gudaha dalkaas kaga fuliyo weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, waxayna arrintani ku soo aadeysaa xili Kenya ay horey uga codsatay Maraykanka inuu ka taageero la dagaalanka Al-shabaab oo dalkaas sanadihii la soo dhaafay ka fuliyey weeraro uu dhiig badan ku daatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -