23 ka tirsan Ciidankii loo xilsaaray howlgalada Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Taliye Ku-xigeenka ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in howlgallo ballaaran ay weli ka socdaan magaalada Muqdisho, isla markaana la xiray 23 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in askarta la xiray lagu soo eedeeyay iney ku kaceen falal la xariira Musuqmaasuq ka dhan ah waajibaadkii loo xilsaaray iyadoo xustay in dhowaan caddaaladda la horkeeni doono.

Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa dhinaca kale ka warantay gaadiid hilib siday oo saaka lagu celiyey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada, iyadoo sheegtay in laga shakiyey ka dib maarkii dadkii watay gaadiidkaas ay diideen in la baaro ayna isku dayeen iney ciidanka qabtay laaluush siiyaan si loo fasaxo iyagoo aan marin baaritaanada loogu talo galay

Waxay ugu baaqday bulshadda Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka ee dalka si loo xaqiijiyo Ammaanka, ayna u dul-qaataan howlgalada ka socda magaalada ee lagu xoojinayo amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -