Koonfur Galbeed oo ka hor timid arrin uu ku dhaqaaqay Maamulka G/Banaadir

Maamulka Koonfur galbeed ayaa ka soo horjeestay in degmada Afgooye ay ka qeyb gasho tartanka ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo dhowaan ka furmaya magaalada Muqdisho.

Xaflad Qori tuur ahayd oo ka dhacday Xalay Muqdisho ayaa lagu sameeyay isku aadka degmooyinka Gobolka Banaadir oo oo sanadkan lagu soo daray degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose ka kala tirsan, lamana oga sababta loogu soo daray.

Qoraal ka soo baxay xiriirka kubada cagta ee maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu sheegay in degmada Afgooye aysan ka qeyb geleyn tartanka maadaama aysan ka mid aheyn degmooyinka Muqdisho.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Maamulka koonfur galbeed aan lagala tashan go’aanka degmada Afgooye loogu daray tartanka ciyaaraha degmooyinka Muqdisho sidaas awgeedna aysan marna ka qeyb geli doonin tartankaas.

Hoos ka akhriso qoraalka maamulka Koonfur galbeed   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -