Cumar Filish oo soo saaray amar ay fulintiisa ku fashilmeen madaxdii ka horeysay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa in maamulkiisa uu qorsheynayo inay soo celiyaan dhamaan xarumihii iyo Jardiinooyinkii dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana ay noqon doonaan goobo bulshada wax loogu qabto.

Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hadalkan jeediyey mar uu kormeerayay Jardiino ku taala dhismaha taariikhiga ah ee Saciid Barkhash ee Degmada Shangaani oo maalmihii ugu danbeeyay uu ka jiray muran.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir uu gacanta ku hayo dhismaha Jardiinadan, isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo dhulkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan ogolaan doonin in goobaha danta guud ay sheegtaan milkiyadooda dad gaar ah.

“Goobtan waa Darjiino ka mid ah Darjiinooyinka dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay ku dhagantahay daarta Saciid Barqash, waxaana haddda ka shaqeyneynaa inaan dhismo ku wareejino, si aan u muujino xarumaha dowladda Hoose ee Xamar” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka Degmada Shangaani ayaa sheegay in halkan ay ahayd goob taariikhi ah oo lagu keydin jiray taariikhda Gobolka Banaadir, isla markaana ay saameysay burburkii dalka ka dhacay, haatanna ay ku faraxsanyihiin in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib u dhis ku sameynayo.

Maamuladii hore ee gobolka Banaadir ayaa ku fashilmay iney soo celiyaan jardiinooyin iyo xarumo kale oo dan guud ah, kuwaasoo ay heystaan dad gaar ah oo ka sameystay ganacsiyo iyo dhismayaal kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -