Puntland oo amar culus ku soo rogtay gaadiidka u gudbi jiray Somaliland

Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah gaadiidka u kala gooshi jiray degaanada Somaliland iyo Puntland.

Faraweyne oo caawa la hadlayey idaacad ku taalla Magaalada Garowe ayaa sheegay in laga bilaabo caawa saqda dhexe saacadu marka ay tahay 12:00 habeenimo la joojiyey gaadiidkii u kala gudbi jiray degaanada Somaliland iyo Puntland nooc walba oo ay yihiin illaa amar dambe.

Go’aankan ayuu sheegay inuu daba socdo weerarkii maanta ciidamada Somaliland ku qabsadeen degaanka Tukaraq iyo xiisada dagaal ee ka dhex aloosan labada maamul.

“Ganacsiga waxaa ka horeysa in la helo nabad, mar walba oo xaaladu ay soo hagaagtana socodka gaadiidku waa isu fureynaa laakiin hadda xaalad dagaal baa jirta sidaas ayaan u joojinay” ayuu ku jawaabay Faraweyne oo la weydiiyey saameynta uu amarkan ku yeelan karo ganacsiga labada dhinac.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa maanta dagaal ku qabsaday degaanka Tukaraq oo gobolka Sool kaasoo ka mid ah degaanada xadka ee labada dhinac ay ku muransan yihiin, waxaana amarkan ka soo baxay Puntland uu saameynayaa gaadiidkii ganacsiga iyo rakaabka ee labada dhinac u kala gudbi jiray maalin kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -