Fiqi: “Qoorqoor wuxuu Muqdisho u yimid kala furfurka dadka diidan afgembiga Farmaajo”

Waiirkii hore ee amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay booqashada deg deg ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku soo gaaray Muqdisho xili uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee DF.

Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyey Qoorqoor inuu Muqdisho u yimid kala furfurka kacdoonka ka dhanka ah madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Farmaajo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FIQI OO DHAMEYSTIRAN

Darraad wuxuu diiday inuu caddeeyo mawqifkiisa ku aadan shirkii madasha wadatashiga ee Raisul Wasaare Rooble ku baaqay!

Shalay oo dhan wuxuu ku mashquulsanaa in uu baajiyo Shir oday dhaqameed ay ku lahaayeen hotel Hayat, kaasoo looga soo horjeedey inqilaabkii miskiinka ahaa ee Farmaajo, wuxuu isku dayay in uu odayaasha qaarkood ka baajiyo shirkaas ka qeybgalkiisa, labadaba waa ku fashilmay!

Maantay ayuu Muqdisho u yimid kala furfurka dadka midaysan ee ka horjeeda afgambiga Farmaajo, ayana wuu ku fashilmayaa insha Allaah.

Wuxuu ka jecel yahay waajibkii u yaallay dawlad goboleedka uu madaxda ka yahay oo dhinac walba Shabaab ka hareereeyey inuu ceeb asturo afgambiyaha qaranka, asagoo horayna ka mid ahaa kuwii kiiskii Ikraam Tahliil moora- duugay!

Waa dhib haddii qofku uusan naftiisa aaminin oo uu iska dhaadhacsiiyo hebel haddii uu tago adna wax kuuma yaallaan!.!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -