Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro careesan oo Weeraray Dhismihii lagu kufsaday laguna dilay Xamdi Maxamed

Dhalinyaro careesan oo u badnaa gabdho ayaa banaan bax rabshado watay ka dhigay afaafka hore dhismihii Jimcihii lagu kufsaday laguna dilay Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabay Xamdi Maxamed Faarax.

Sida aan wararka ku helnay dhalinyarada oo si iskood ah isku abaabulay ayaa tagay dhismaha gabadha lagu kufsaday laguna dilay si ay halkaasi ugu muujiyaan dareenkooda carada leh ee ka qaadeen sida arxan darada ah ee loo dilay gabadhaasi.

Dibad baxayaasha ayaana taayaro ku hor gubay dhismaha iyaga oo sidoo kale dhagxaan ku tuurayay dhismaha gabadha lagu kufsaday lagana soo tuuray, waxaana goobta isugu tagay dhalinyaro aad u badan oo ka careesnaa falkaasi.

Ciidamada booliiska oo goobta gaaray ayaa awood ku kala eryay dhalinyaradii banaan baxa dhigayay, waxa ayna sheegeen qaar kamid ah dibad baxayaasha in awood loo adeegsaday ayna waxyeeleen ciidamada.

Dhalinyarada banaan baxa dhigayay ayaana ugu baaqay Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in ay lasoo qabto lana horgeeyo cadaalada dadkii ka dambeeyay falkan argagaxa leh ee lagula kacay Xamdi Maxamed Faarax.

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee COVID-19

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si deg deg ah ku magacaabay Wasiirka howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Maxkamad looga Dacweenayo dadkii maanta lagu waxyeeleeyay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---