Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Khayre oo guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee COVID-19

Shirka fogaan-aragga ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 ayaa xalay ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxaana Shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre.

Shirka ayaa qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa ballaarinta wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhallinyarada oo ah tirada ugu badan ee laga helayo feyraska Karoona.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa faray Xubnaha Guddiga inay badiyaan wacyigelinta Bulshada ee la xiriirta ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 ee uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’isul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa waxay yeeshaan kulamo joogto ah oo laga soo saaro go’aano looga hortagayo Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee ku dhacday in Israel ay 8 bilood ka dib Gaza ka soo furato afar Maxbuus?

Caydiid Ali

DEG DEG: Wagner oo ugu dambeyn joojiyey Duulaankii Moosko (Heshiis la gaaray)

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka qeyb qaatay dagaalkii Ceeldheer & DF oo War cusub soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---