Maamulayaasha Iskuullada Muqdisho oo ka cawday Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare (Sawirro)

Maamulayaasha qaar ka mid ah iskuullada Dalk gaar ahaan Gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho waxay uga cawdeen natiijada imtixaankii dugsiyada sare ee dalka oo dhawaan ay soo bandhigtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
 
Maamulayaashan ayaa waxay sheegeen in sababta ay saxaafadda ula hadleen ay tahay kaddib markii ay ku soo laalaabteen cabashooyin kaga yimid dhanka waaliddiinta ardaydoodu ku dhaceen imtixaankii ay soo bandhigtay wasaaradda, iyagoo sheegay in tallaabada ay qaaday wasaaradda ay tahay mid aysan ku qanacsanayn maamulka iskuullada dalka qaarkood iyo waaliddiintii carruurtooda muddada fog wax soo barayay .
 
Ugu horreyn, waxaa kulanka ka hadlay, Cali Siidoow Cusmaan oo ka mid ah maamullayaasha iskuullada gobolka Banaadir, isagoo sheegay in ardaydaSoomaaliyeed ay wax ku barteen manaahij kala duwan, isla markaana aan imtixaankooda laga soo diyaarin manaahijtii ay ku wax-ku-barteen.
 
.“Waxaan maanta halkaanisugu nimid inaan caddeyno inaanan ku qanacsanayn natiijadii imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee ay wasaaradda waxbarashadu soo saartay waxaana caddeynaynaa inaan nagala tashan qaadista imtixaanka iyo sixiddiisa,”ayuu yiri Cali Sheegoow.
 
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Kayse Cabdi Jaamac oo isagana maamule ka ah mid ka mid ah iskuullada Dalka ayaa sheegay in natiijada soo baxday ee imtixaankii dugsiyada sare ee dalka ay caqabad ku noqon karto arday badan oo ku dhacday iskuullada.
 
“Innagu waxaan caddeynaynaa inaanan ku qanacsanayn natiijada,waayo waa mid sabab u noqon karta in ardaydii la sheegay inay ku dhaceen imtixaanka shahaadiga ah ay qayb ka noqon karaan dhibaatada dalka ka jira,”ayuu hadalkiisa ku daray Kayse.
 
Dhanka kale, Kayse Cabdi Jaamac ayaa ku dheeraaday waddooyinkiil oo maray imtixaanka laga qaaday Dugiysada sare ee dalka, isagoo ka dalbaday wasaaradda waxbarashada inay dib u eegis ku sameyso hannaanka loo maray sixitaanka imtixaanka, isagoo sheegay in natiijyadii soo baxday ay niyad-jab ku noqotay arday sannado badan ku soo jiray waxbarasho si guulo waaweyn u higsadaan.
 
Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay Yaasiin Maxamed Cali oo isagana ku biirayey aragtidiisa maamulayaashii ka horreeyay, wuxuuna xusay in natiijadii soo baxday si weyn looga qayliyay, isla markaana ay ku sool aalaabteen cabashooyin ka imaanaya waaliddiinta ay ardaydooda wax-barayeen sanadaha badan.
 
“Ardaydu dhibaato ayay wax ku soo barteen, sidoo kale waxay ku barteen dhaqaale aad u fara badan, waxaana codsanaynaa in natiijada dib loogu laabto, si loo badbaadiyo riyooyinka qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarashada guulo ka gaaraan,” ayuu Yaasiin ku yiri hadalkiisa.
 
Gaba-gabadii maamulayaashii, mas’uulyiintii iyo macallimiintii kulanka goob-joogga ka ahaa ayaa waxay isaga mid ahaayeen in natiijada soo baxday ay ahayd mid culeys badan ku ahayd ardayda gobolka Banaadir, maadaama la sheegay in tiro ku dhaw 8,000 arday ah ay dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -