Shirar looga soo horjeedo dowlada Soomaaliya oo ka socda magaalada Nairobi

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan shirar looga soo horjeedo siyaasada Madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirarkan waxaa magaalada Nairobi ku leh afar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku sugan Kenya, waxaa sidoo kale shirarkan qeyb ka ah siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowlada Mucaarad ku ah.

Madaxda maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa kuwada sugan magaalada Nairobi , waxa ayna xubnahan shirar la leeyihiin qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka ee ku sugan Nairobi,

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxda Maamul goboleedyada ayaa wakiilada iyo xubnaha kale ay la kulmeen u gudbiyay dacwad ka dhan ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxa ayna ku eedeeyeen dowlada in faragalin qaawan ku heyso maamuladooda.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa sidoo kale shirar gaar gaar ah ku leh magaalada Nairobi, waxa ayna xubnahan shirarka ay leeyihiin cadaadis ku saarayaan Dowlada Federaalka Soomaaliya uu kala dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed.

Xiriirka dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa meel xun gaaray, waxaana Madaxda maamulada dhawaan xiriirka wadashaqeyn u jareen dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -