Is afgarad lagu gaaray kulankii ay yeesheen Gudoomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenadiisa

Waxaa maanta hotel kuyaala magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay Gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo labadiisa gudoomiye kuxigeen .

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhax jira gudoonka golaha shacabka loona ambo qaadihii shaqada Baarlamaanka, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayay mooshinka Madaxweynaha iyo xiisada Koonfur Galbeed.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka uu kusoo dhamaaday is afgarad, mana jiro wax war ah oo ku aadan kulankan oo kasoo baxay Gudoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in lagu gaaray is afgarad , waxa ayna Xildhibaanadan sheegeen in la xaliyay kala argti duwanaashihii u dhaxeeyay Gudoonka Golaha Shacabka.

C/rashiid Maxamed Xidig oo kamid ahaa Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in is afgard uu kusoo dhamaaday kulankii ay maanta yeesheen gudoomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenadiisa.

Xildhibaan Xidig ayaan faah faahin badan ka bixin waxyaabaha ay isku afgarteen gudoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen oo ku kala aragti duwanaa mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in labada dhinac ku balameen kulamo kale oo looga hadlayo arimaha taagan ee khilaafka dhaliyay iyo sidii xal looga gaari lahaa si loo bilaabo shaqada Baarlamaanka.

Gudoomiye Mursal iyo labadiisa kuxigeen ayaa isku khilaafay mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ka gudbiyeen Madaxweynaha, waxaana kulankan maanta yeesheen uu ahaa kii ugu horeeyay ay ku kulmaan tan iyo markii khilaafka soo kala dhax galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -