Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo kulan ku leh Villa Somalia

Kulan ayaa xilligan waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku leh Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulankan o ah mid ah qado sharaf ah ayaa gogol xaar u ah isku qancinta furitaanka shirka ay u dhan yihiin Madaxda iyo ka gudbida caqabadaha ku hor gudban.

Shirkii rasmiga ahaa ee Madaxtooyada iclaamisay maalin la hor ayaa baaqday xili lagu waday inuu maanta furmo ka dib caqabado mar kale soo baxay.

Madaxtooyada Somalia ayaan ka hadlin illaa hadda sababaha keenay dib u dhaca shirkan oo la saadaalinayo inuu furmo maalinta Sabtida ah ee soo socota, iyadoo inta ka horeysana la turxaan bixinayo khilaafyada u dhexeeya DF iyo dowlad goboleedyada qaarkood oo shuruudo ku xiray inuu furmo shirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -