Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Xoogga dalka oo qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab oo miino aasayey

Hawlgal gaar ah oo maanta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha hoose, ayey ku qabteen 2-nin oo ka tirsan Al-shabaab, xilli ay miino ku aasayeen wadada.

Labada ruux ee la qabtay ayaa waxaa ku socda baaris ku aadan fal dambiyeedka loo soo qabtay.

Saraakiisha xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada lagu beegsanayo Al-shabaab, si meesha looga saaro ficilada guracan ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaataynayaan.

Ciidamada dowlada oo howlgalo culus ka bilaabay degaano ka tirsan Sh/hoose ayaa Al-shabaab kala wareegay degaano badan oo ay soo abaabuli jireen weerarada sida ay sheegeen saraasha ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:Hadal haynta Ugu badan oo noqotay Weerarkii Xasan Shiikh ku Qaaday Farmaajo shaaciyayne….

Cabdi Cade

NISA oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Somalia oo ka qeyb galay kulan gaar ah oo looga hadlay.. (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---