Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sii hayaha RW dalka oo ka gudoomiyey shir looga hadlay soo saarida Shidaalka Somalia

Shirka waxaa ka qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay xoojinta ahmiyadda ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’iidaysto,iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Sharciga batroolka dalka oo dhaqangal oo taaba gal noqday bilowgii sanadkan ayaa wasaaradda batroolka iyo macdanta fursad u siiyey inay qaado tallaabooyin muhiim ah oo ku aadan in la xoojiyo sahanka shidaalka badda ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska hor imaad khasaaro geestay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Trump iyo Putin oo ku balamay iney ku shiraan dal Carbeed

Caydiid Ali

Amniga xarunta Congresska Maraykanka oo la xoojiyey & khatar soo korortay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---