Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo war kasoo saartay howlgal lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah

Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo ciidanka xoogga Dalka oo iskaashanaya, ayaa howlgal duqeyn ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al Shabaab ka fuliyay gobolka Shebeellaha Dhexe.

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Geelgub , ayaa la sheegay in lagu dilay 21-xubnood oo katirsanaa maleeshiyaadka Al Shabaab, sirdoonka Soomaaliya ayaana sheegay in xubnaha duqeynta lagu dilay ay ku jiraan xubno saraakiil ahaa.

Warka kasoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in xubnahan katirsanaa Al Shabaab ee la dilay ay ku sugnaayeen hal goob. Waxa ayna NISA mar kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay Khayalisha iyo Baaritaanno socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweynihii hore Somalia (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xaruntii Ex Baarlamaan oo laga dhigayo goob loo dalxiis tago (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---