Raisul Wasaaraha Somalia oo ka qeyb galay kulan gaar ah oo looga hadlay.. (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

Kulanka ayaa la isaga xog wareystay heerka kala duwan ee uu soo maray qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan maraya, iyo u diyaar garowga shirka sannadlaha ah ee dhacaya bishaan October.

Ka qayb galayaasha shirka oo kamid ah ergada shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa ammaanay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay ka guul gaaridda qorsha deyn cafinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu cadyahay ajandaha muhiimka ah ee deyn cafinta dalka, uuna udud dhexaad u yahay dhammaan qorshaha dib-u-habeynta socota, dadka Soomaaliyeedna ay ku mideysanyihiin, aadna ugu reja weynyihiin in dalka deynta laga cafiyo maadaama ay aaminsanyihiin in dayn cafintu ay mawaadin kasta oo Soomaaliyeed dan u tahay, qaybna ay ka qaadaneyso horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u sheegay ka qayb galayaasha in Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyeen canshuurtii ugu badneyd, dakhliga dalkuna uu kordhay arrintaas oo qeyb ka qaadatay horumarka la sameeyay.

Dayn cafintu waxa ay dalka u oggoolaaneysaa maal-gelin hourmarineed ee waqtiga fog, waxa ayna sidoo kale sare u qaadeysaa dakhliga gudaha iyo maal gelinta caafimaadka waxbarashada iyo biyaha dalka, waxa ayna albaabada u furayaa balaayiinta doollar ee sanaadiiqda horumarinta adduunyadu ay bixiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -