Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Golaha Milateriga Sudan oo soo rogay 3 bilood oo xaalad deg deg ah (Sababta)

Golaha Difaaca iyo Amniga dalka Sudan ayaa maanta ku dhawaaqay saddex bil oo xaalad deg deg ah, ka dib markii fatahaado sanadkan ka dhacay Sudan ay dileen 99 qof

Wasiirka Shaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada Lena el-Sheikh, ayaa sheegtay in daadadka sannadkaan ay sidoo kale ku dhaawacmeen 46 qof halka in ka badan nus milyuun qofna ay ku khasaareen daadka.

Sida ay ku warrantay Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA, Roobabka sanadkan ka da’ay Sudan ayaa ahaa kuwii ugu badnaa tan iyo sannadkii 1946-kii.

Wali waxaa laga cabsi qabaa in ay da’aan roobab kale oo hor leh oo khasaara culus sababi kara, sida ay saadaalinayaan heyadaha saadaasha hawada oo soo saaray digniino arrintaas la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaalad adag oo soo wajahday Yurub ka dib talaabo uu qaaday Ruushka

Caydiid Ali

Xilliga ay dhacayaan Doorashooyinka Xisbiyada iyo tan Madaxweynaha Somaliland oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Jeneraal Asad Diyaano oo arrimo muhiim ah kala hadlay Mario Daccò Coppi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---