Amniga xarunta Congresska Maraykanka oo la xoojiyey & khatar soo korortay

Waxaa si weyn loo xoojiyey Ammaanka xarunta Baarlamanka Maraykanka ee loo yaqaan US Capitol, kadib markii la helay warar sheegaya in Khamiista maanta ah xoog lagu soo geli karo sida ay sheegeen booliska.

Tallaabadan ayaa ka dhalatay kadib markii ay sirdoonka ka war heleen hanjabaad ka timid urur hubaysan, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan khatar kasta oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka.

Golaha wakiiladda ee Maraykanka ayaa baajiyay kulan uu maanta lahaa, kadib markii lagu wargeliyay khatarta jirta.

Hase yeeshee waxaa maanta kulankiisa qabsanaya Aqalka Senate-ka si uu uga doodo hindise sharciyeed uu Madaxweyne Biden lacag dhan 1.9 trillion dollar wax uga qabanayo cudurka Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -