Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo saldhig cusub ka sameystay Jowhar, kana hadlay sababta

Ciidanka Kumaandoska Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saldhig cusub ka sameystay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe, sidoo kale ah caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandoska G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in saldhigan ciidanka Danab ay ka sameeysteen magaalada Jowhar ay ugu talagaleen in lagu dardar galiyo howlgallada Al-shabaab looga xoreynayo gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

“Ciidanka Kumaandoska waxay xarumo ku leeyihiin Juballand, K/Galbeed iyo Galmudug, haddana Hirshabeele ayay ka sameysteen dhowaan, waxayna arrintan qeyb ka tahay qorshaha dalka oo dhan looga xoreynayo Al-Shabaab”. ayuu yiri Taliye Ismaaciil.

Waxaa uu xusay in ciidanka Danab ay howlgallo ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Muqdisho, ayna ciidanka cagta mariyeen jidgooyooyin lagu dhibaateynayay shacabka, wadaduna ay ka saareen miinooyin lagu aasay sida uu yiri.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii la soo dhaafay weeraro kala duwan ka fuliyey wadada isku xirta Muqdisho & Jowhar, kuwaasoo ay ku dileen ciidamo ka tirsan DF, AMISOM, siyaasiyiin, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan, taasoo keentay in madaxda DF iyo kuwa Hirshabelle ay joojiyaan isticmaalka wadadaas, ayna magaalada Jowhar iyo Muqdisho oo isku jira wax ka yar 100km ugu kala gooshaan duulimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarumaha Q/Midoobay ee caalamka oo hoos loo dhigay calanka UN-ka (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Xamse oo kulan deg deg la qaatay lamaha Amniga & arrin la soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo dib looga riixay Kyiv (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---