Allbanaadir.com
NEWS

Xarumaha Q/Midoobay ee caalamka oo hoos loo dhigay calanka UN-ka (Sawirro)

Xafiisyada Qaramada Midoobay ee caalamka ayaa hoos u dhigaya calanka si loogu xasuusto asxaabtii lagu dilay Gaza

Xafiisyada Qaramada Midoobay ee Aasiya ayaa hoos u dhigay calanka iyadoo shaqaaluhu ay aamusnaayeen hal daqiiqo oo lagu xasuusto asxaabtii lagu dilay Gaza.

In ka badan 100 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii Israa’iil ay bilowday duqeymaha ay ku hayso dhulka la go’doomiyay ee Falastiin 8-dii October.

Calanka Qaramada Midoobay ee buluugga iyo caddaanka ah ayaa la dejiyay 9:30 subaxnimo xilliga gudaha ee xafiisyada Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan meelaha soo socda:

Bangkok, Thailand
Beijing, Shiinaha
Colombo, Sri Lanka
Dili, East Timor
Hanoi, Vietnam
Tokyo, Japan

Xarumaha kale ee Qaramada Midoobay ee adduunka ayaa qaban doona munaasabado la mid ah maanta oo isniin ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Axmed Macalin Fiqi maxuu ku heestaa Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Jen. Odawaa ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo ku ammaanay Madaxweyne Geelle kaalin muhiim ah uu qaadanayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil u magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---