Xasan Shiikh & agaasimaha NISA oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Kulan Xasaasi ayaa galabta illaa caawa waxaa uu magaalada Muqdisho ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha sirdoonka NISA Fahad Yaasiin.

Faahfaahin badan lagama hayo waxyaabaha looga hadlay kulankan oo sida la sheegay ka dhacay hoyga Xasan Shiikh, uuna dalbaday Taliyaha NISA

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulankan  looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda dalka oo haatan ka dib galaya marxalad kala guur ah.

Magacaabida Ra’iisul Wasaare cusub oo Madaxweyne Farmaajo ku adkaatay ayay sidoo kale wararku sheegayaan iney ka mid tahay waxyaabaha laga wada hadlayo, iyadoo laga yaabo inuu jiro gorgortan cusub.

Madasha Xisbiyada Qaran ee xubinta ka yahay xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh ayaa horey ugu gacan seyray iney qaataan xilka RW cusub, si dowlad wadaag ah loo sameeyo, ayna u ogolaadaan muddo kororsi labo sano ah.

Fahad Yaasiin oo saaxiib dhow la ah Xasan Shiikh iyo xubnaha kale ee mucaaradka intooda badan ayaa ciyaaraya door uu iskugu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiinta mucaaradka, lamana oga sida uu arrintan ugu guuleysan karo.

Kulanka labada masuul ayaa ku soo aaday xili saacado kooban ay Madaxweyne Farmaajo uga harsantahay mudada 30-ka cisho ah ee dastuurku u ogolaanayo inuu ku soo magacaabo Ra’iisul wasaare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -