RW Xamse oo kulan deg deg la qaatay lamaha Amniga & arrin la soo bandhigay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo al-shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha loogu yeeray argagixisada ah, taasoo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku  tiirsan tahay. sida uu yiri, Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).

- Advertisement -