Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qarax Khasaare xooggan geystay oo goor dhow ka dhacay degmada Belad-xaawo

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo qarax ayaa goor dhow xiligii duhurnimada ka dhacay maqaayad ku taala degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Qaraxan oo ahaa miino lagu aasay afaafka hore ee Maqaayada ayaa dhacay xili maqaayada ay joogeen dad badan oo halkaas u soo qado doontay

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday 8 qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen iyadoo isgaarsiinta degmada hawada laga saaray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas xoogan laga maqlayo goobta uu qaraxa ka dhacay taasoo ay ridayaan ciidamada amaanka, waxaana goobaha caafimaadka loola cararay dadka dhaawacmay.

Lama oga cida qaraxan lala beegsanayey, mana jirto cid sheegatay illaa hadda balse Al-shabaab oo qaraxyada noocan ah looga bartay ayaa 24 saacadood ee la soo dhaafay fulisay weeraro culus oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolka Bay, kuwaasoo dad badan ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi sheegay in Al Shabaab joojiyeen Dayactir lagu sameyn lahaa Hotel kasoo horjeeda Madaxtooyada

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo amarkii ugu horeeyey ka bixiyey Garoowe

Caydiid Ali

Boqolaal ka tirsan ardayda dugsiyada Sare oo booqday Jaamacadda Benaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali