Qaybta 1 Aad :-Xusuustayda waxqbadkii Xassan Cali Khayre Inta aan Joogay Xafiiska !!

23-kii Bishii Febraayo sanadkii 2017 Madaxweynaha Somalia Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa Xassan Cali Khayre u xushay inuu noqdo Raisul Wasaarihii 19aad ee dalka.

Khayre oo wax badan ka ogaa caqabadaha jira, lehna khibrad hogaamineed ayaa 1-dii Maarso 2017 waxaa uu golaha shacabka u cadeeyey inuu ku shaqeyn doono Karti, hufnaan, daacadnimo, wadatashi, wadashaqeyn, tanaasul iyo dulqaad si loo gaaro hiigsiga ah qaranimo buuxda iyo dowlad awood leh, wuxuuna codsaday kalsoonida golaha shacabka iyo in lala shaqeeyo.

Raisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale Baarlamanka u sheegay inuu diirada saari doono qodobo ay ka mid yihiin, gurmadka abaarihii xiligaas jiray, amniga, dhismaha iyo tayeynta ciidamada Qaranka, La dagaalanka Musuq-maasuqa, hagaajinta Maamulka Maaliyadda, Kobcinta dhaqaalaha, Qabyo tirka dastuurka, Xoojinta nidaamka federaalka, Xoojinta axsaabta siyaasadeed, Qabashada doorasho xalaal ah oo madax banaan, ka dhabeynta waxqabad ballaaran oo dadka Soomaaliyeed ku diirsadaan, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta iyo dhalinyarada iyo haweenka oo la siiyo fursad ay dalkooda ugu adeegaan, iyadoo laga faa’iideysanayo aqoontooda, maskaxdooda iyo muruqooda. Baarlamanka ayaa ku qancay qorshihiisa %100 ayeyna kalsoonida siiyeen, waxaana loo dhaariyey xilka haddaba afar sano ka dib maxaa ka hirgalay balan-qaadkii Khayre?

Bilowga howsha iyo tubaha Qaranka.. Si dhammaan howlaha Xukuumadda iyo kor joogteynta loo fududeeyo, loona helo halbeegyo lagu cabiro wuxuu Khayre ku guuleystay sameynta afar tubood oo ay ka mid yihiin dhamaan Wasaaradaha dowlada oo mid walba halbeegyo tirsan iyo qorshe howleedyo ay ku lahaayeen, waxayna kala yihiin:- a) Tubta horumarinta Dhaqaalaha b) Tubta horumarinta arrimaha bulshada c) Tubta amniga iyo Cadaaladda d) Tubt Siyaasada loo dhan yahay

Gurmadka abaaraha

Raisul Wasaare Khayre oo ay magacaabistiisii ku soo beegantay xili ay dalka halakeysay abaar xun oo dal iyo duunyaba galaafatay ayaa marka hore wajahay xalka dhibaatada, wuxuuna ku guuleystay in umadda Soomaaliyeed ay si wadajir ah gurmad u sameeyaan, isagoo xukuumada markii u horeysay ku soo daray Wasaarad u gaar ah gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Khayre oo maanka ku haya muhiimada ay leedahay sidii dalka looga badbaadin lahaa abaaraha iyo fatahaadaha isxiga ayaa sameeyey qorshe fog oo xal waara looga gaarayo wax kasta oo dhibaatooyinkaas looga gaashaaman karo.

Siyaasada maareynta masiibooyinka iyo istaraatiijiyada Qaranka ayey Xukuumadu meel marisay, waxaa dib loo howlgeliyey xarunta ka digista Musiibooyinka, Malaayiin dollar ayuu ku bixiyey maareynta iyo ka jawaabida Abaaro, duufaano iyo fatahaado ku dhuftay qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka, waxaana la hirgeliyey xarunta gurmadka deg deg ah ee Qaranka, iyadoo dhismaha bankiga dhiiga meel fiican la gaarsiiyey.

Adiga sidee u aragtaa …..?
La soco Qaybta 2 aad INSHA ALLAH….

Mugadisho-Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -