Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugida Gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray

Taliska sare ee ciidamada booliiska iyo nabad sugida Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga yeeray in ay si degdeg ah kusoo gaaraan taliyaasha booliiska iyo nabad sugida ee qeybta gobolka Hiiraan.

Sida aan wararka ku heleyno taliyaashan ayaa Muqdisho looga yeeray si wax looga weediiyo qaraxyadii maalmo kahor ka dhacay magaalada Baladweyne ay ku dhinteen dad ka badan 30-qof ay ku jiraan masuuliyiin.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Hiiraan  Korneel Isaaq Cali Cabdulle ayaa si degdeg ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho, halka la filayo in isna magaalada Muqdusho yimaado taliyaha nabad sugida gobolka Hiiraan Colaad Dalabeey.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa taliyaasjha booliiska iyo nabad sugida ku eedeeyay in shaqadooda gabeen, waxa uuna dowladda ugu baaqay in tallaabo ka qaado taliyaashaasi.

Taliyaasha booliiska iyo Nabad sugida gobolka Hiiraan ayaana wajihi doona su’aalo weydiimo badan, lamana oga in tliyaashaan xil ka qaadis wajihi doonaan iyo in shaqadooda dib ugu laaban doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -