Weerarkii Hotel Elite oo shan saacadood ka dib la soo afjaray & Ciidamada oo baaritaano wada

Ciidamada Amniga DF ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan howgal ay ka sameeyeen Hotel Elite ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha u galeen dabley ka tirsan Al-shabaab sida uu baahiyey telefishinka ku hadla codka dowlada ee SNTV oo soo xiganaya saraakiil amni.

Weerarkan oo socday shan muddo shan saacadood ka badan ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga sii buuxiyey oo lagu dhuftay albaabka hotelka wax yar ka hor salaadii maqrib ee caawa.

Ciidamada ayaa soo badbaadiyey dadkii ku go’doomay Hotelka, waxayna gudaha hotelka ka wadaan Baaritaano lagu xaqiijinayo amaanka.

Dableyda ka tirsan Al-shabaab ee gudaha ugu jiray Hotelka ayaa dhamaantood la dilay kuwaasoo tiradooda lagu sheegay afar nin oo ku hubeysnaa bambooyin iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Ugu yaraan 10 qof ayaa illaa hadda la xaqiijiyey iney ku dhinteen weerarkan kuwaasoo iskugu jiray shacab iyo masuuliyiinm, halka ku dhowaad afartan kale ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in DF ay war ka soo saarto khasaaraha ka dhashay weerarkan oo laga yaabo inuu intaas ka bato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -