Cumar Filish oo hab Maamuus hoose loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Qaab maamuus hoose ayaa Gudoomiye Cumar Filish iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey magaalada Dhuusamareeb Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa kaga hortagay garoonka.

Madaxweyne Qoor-qoor oo looga bartay soo dhoweynta madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka baaqsaday soo dhoweynta Guddomiyaha gobolka Banaadir iyo wafdigiisa oo halkaas u tagay ka qeyb galka shirka wada tashiga DF iyo dowlad goboleedyada.

Qoor-qoor ayaa si weyn loogu dhaliilay arrintan oo ay ka xumaadeen waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Muqdisho oo talaabada uu qaaday ku sifeeyey mid lagu bahdilayo Gudoomiye Cumar Filish iyo wafdigiisa oo metelaya shacabka gobolka Banaadir

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey ugu sugnaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeelanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -