Nin u dhawaaday naxashka uu ku jiro Meydka boqorad Elizabeth oo Dambi lagu soo oogay

Ciidamada booliiska ee magaalada London gaar ahaan kuwa sugaya amniga halka uu yaallo meydka boqorada UK ee Elizabeth, ayaa xiray nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu u dhawaaday halka uu yaallo naxashka uu ku jiro meydka boqoradda.

Muhammad Khan, oo ah 28-jir degan magaalada London ayaa la xiray markii uu ku dhawaaday halka uu yaallo meydka boqoradda ee Westminster Hall, waxaana ninkan xaalad qalqal ah ka abuuray goobta uu yaallo meydka boqoradda oo ay dad badan joogeen.

Ninkan dhallinyarada ah ee booliiska xireen ayaa lagu wadaa in beri oo isniin ah lasoo taago maxkamadda Westminste, ninkan ayaana lagu soo oogay danbi ka dhan ah xeerkadagsan uu jabiyay .

“Muhammad Khan, waxaa lagu soo oogay dacwad sabtidii, oo ay taariikhdu ku beegnayd bishii Sebtembar 17-keeda,  sida uu dhigayo qeybta 4 A ee Sharciga kala danbeynta ee bulshada, waxaa lasoo is taajin doonaa xabsiga maxkamadda Westminster maalinta Isniinta,  waa qofkii labaad ee lagu soo oogo dambi ah inuu galay xadgudub, isagoo safka ku jira, si uu u arko naxashka boqorad Elizabeth-da Labaad.” ayaa lagu yiri warka booliiska

Meydka Boqoradda UK Elizabeth , ayaa yaalla Westminster Hall, waxaana halkaasi tagayay maalmihii lasoo dhaafay dad aad u badan oo ka murugeesnaa geerideeda, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga goobtaasi iyo guud ahaan magaalada London.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -