Allbanaadir.com
NEWS

Nin Kufsi iyo dil arxan daro ah u geestay Gabar Lix Sano jir ah oo la qabtay

Ciidamada booliiska dalka Pakistan ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro oo la rumeesan yahay in uu kufsi iyo dil arxan daro ah u geestay Gabar lix sano jir ah.

Gudoomiyaha gobolka Punjaab, Shahbaz Sharif ayaa sheegay in ciidamada booliiska soo qabteen Cimraan Cali oo 24 jir ah oo lagu tuhmayo in uu dil iyo kufsi u geestay Zainab Ansari .

Ninkan ciidamada booliiska soo qabteen ayaa baaritaano lagu sameeyay ku qirtay in uu ka dambeeyay dilka gabadha yar , waxaana ninkan la sheegay in uu daris la ahaa qoyska uu gabadha yar ka dilay.

Dilka iyo kufsiga loo geestay gabadhan yar ayaa caro badan ka dhaliyay dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Punjaab, waxaana dad badan oo falkan ka careesan dhigeen banaan baxyo xoogan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibad-baxyo looga soo horjeeday xarigga Jeneraal Sheegow oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay howlgal lagu dilay 15 ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Somaliland oo si adag uga hortimid Barnaamijka taakuleynta ee Baxnaano (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---