Faah Faahino kasoo baxaya dil ka dhacay Muqdisho iyo Al shabaab oo ka hadashay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay gudaha Farmashi kuyaala agagaarka xaafada KPP ee Degmada Hodan waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka shaqeenayay goobta lagu dhax dilay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in raga dilka geestay iska dhigeen kuwa daawo ka iibsanaya farmashiga kadibna rasaas la dhacay ninkii farmashiga gadayay, dilka kadib ayaana kooxdaasi goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliiska saldhiga degmada Hodan ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay, mana ku guuleesan ciidankaasi in ay gacanta kusoo dhigaan ragii dilka fuliyay oo goobta ka baxsaday kahor inta aysan ciidanka halkaas gaarin.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa war lagu baahiyay lagu sheegay in ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Feysal Maxamed uu ahaa sargaal katirsanaa ciidanka dowlada, mana faah faahin Al Shabaab halka uu sargaalka ka ahaa ninkan.

Falalka amaan daro ee isugu jira dilalka qorsheesan iyo qaraxyada ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayay magaalada Muqdisho , waxaana falalkan dhacayaan xili Xukuumadii dalka ka jiray la riday .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -