Shirkadaha Imaaraadka iyo Isra’il oo bilaabay iskaashi iyo in ay heshiisyo galaan

Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis ku saabsan cilmibaaridda cudurka Covid-19 ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay israa’iil.

Heshiiskan ayaa dhexmaray shirkada sameysa cilmibaaridda oo algu magacaabo Tera Group oo fadhigeedu yahay Tel Aviv- iyo shirkadda Imaaraadka, ee APEX.

Wakaalada wararka rasmiga ah ee Imaradka ayaa sheegtay in shirkada APEX ay la saxiixaday “heshiis istaraatijiyad ganacsi ” shirkadda Terra Group.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada shirkadood ay iska kaashan doonaan cilmibaarid la xiriirta feyriska faraha ba,an ku haya caalamka ee Corona.

Wakaalada wararka ee Imaaraadka ayaa ka soo xigatay agaasimaha shirkadda APEX, Khalifa Youssef Khoury, in heshiiskani yahay”kii ugu horeeyay ee ganacsi oo albaabka u furaya inay iskaashi dhaqaale yeeshaan shirkadaha ganacsiga ee Israa’iil iyo Imaaraadka.”

Saxiixa heshiiskan ayaa Sabtidii waxaa uu ka dhacay magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka.

Waxaa heshiiskani loo arkaa inuu yahay tallaabadii kowaad ee loo qaaday dhanka hormarinta ganacsiga, dhaqaalaha iyo iskaashi ganacsi oo dhexmara labada dhinac.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya ka dib markii khamiistii la shaaciyay inay heshiis xiriir diblamaasiyadeed dib logu soo celinayo kala saxiixdeen Israa’iil iyo Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -