Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe & wafdigiisa oo soo gebagebeeyey booqashadii Sacuudiga (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay muddo afar maalmood ah oo uu dalka Boqortooyadda Sucuudiga ugu maqnaa howlo shaqo.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman (Aadan Cade) ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda, waxaana uu uga mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay.

Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac oo kamid ahaa wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay safarka ay ku tageen Boqortooyadda Sacuudi Carabiya iyo kulamadii ay la qaateen hogaanka Baarlamaanka dalkaas.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa dalka Sucuudiga ayaa kawada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka  Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno katirsan labada Baarlamaan.

“Gunnaanadka kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dilay Caruur badan kana dhuuqa Dhiiga oo ka baxsaday Xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade

Sawir Selfie oo ah caro badan dhaliyay iyo Warbaahinta oo hadal heysa !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Edogan iyo madax kale oo diiday ka qeyb galka aaska boqoradii UK (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---