(Sawirro) Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiyada Dadka oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad lagu soo dhoweynayey Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiyada Dadka Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo maalmo ka hor dib ugu soo laabtay dalka.

Waxaa Xafladan ka qeyb galay, Siyaasiyiin, qaar ka mid ah Masuuliyiinta asxaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, aqoonyahano, dhalinyaro, haween iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa hadalo iskugu jiray furitaan iyo soo dhoweyn ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen afhayeenka Xisbiga Dimoqraadiyada Dadka Cabdixakiin Aadan Maxamed, Guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Timajilic), Guddoomiyaha Xisbiga Saaqo Aweys Xusseen, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Tiir C/llaahi Maxamed Aadan iyo xubno kale.

Guddoomiyaha xisbiga Dimoqraadiyada Dadka Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo kulankaas ka hadlay ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey, isagoo ka waramay inuu dalka u yimid ambaqaadka howlaha hor yaalla xisbigiisa iyo ka shaqeynta heykalka dowladnimo ee Somalia.

“Waxaan si weyn u taageeraynaa in dalkeena Somalia uu yeesho hogaaminta hanaanka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida aan la wada socono hanaanka ay hadda Somalia ku socoto waa mid ka yimid fashiistihii jiray 1935tii. nidaamkaas hadda waa mid caalamku ka guuray, Waayo? caalamka waxaa ka jira Raisul Wasaare ama Madaxweyne midkood ku yimaada doorasho” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in nidaamka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka uu kaga wanaagsan yahay nidaamyada kale arrimo badan oo faa’iido u leh xoojinta dowladnimada.

“Nidaamka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Baarlamanku ma awoodo inuu fara gashado Madaxweynaha iyo Xukuumada, ma ridi karo, kalsoonina ugama baahna, dhinaca kalena Madaxweynuhu malaha awood uu Baarlamanka ku fara geliyo, taasina waxay soo afjareysaa musuqii siyaasadeed ee ka dhexeeyey Madaxtooyada iyo Golaha sharci dejinta, intaas ka dib Madaxweynuhu wuxuu u madax banaanayaa Maamulka ciidamada, Siyaasada arrimaha dibeda iyo arrimo kale, sidoo kale Magaca Madaxweyne waxaa yeelanaya oo kaliya Madaxweynaha dalka, madaxda dowlad goboleedyadana lama wadaagi karaan magacaas sida hadda jirta, waxayna qaadanayaan Governatoorayaal ama Gudoomiyeyaal gobol” ayuu yiri Prof. Saciid Ciise oo ku dheeraaday sharaxaada nidaamka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Prof. Saciid Ciise ayaa intaas ku daray in Somalia ay guul iyo horumar ku gaari karto nidaamka xisbiyada badan ee Dimoqraadiga ah kaasoo shacabku ay ku soo dooranayaan madaxda hogaamineysa.

“Dad badan waxay aaminsan yihiin is xisbiyada badan la mamnuucayo marka la yiraahdo labo xisbi oo waaweyn hala sameeyo, nidaamka dimoqraadiaga ah waa mid furan xisbiyada badana mar wallba waa la ogol yahay, laakiin marka ay jiraan xisbiyo aqlabiyad badan heysta, kuwa yar yar macno ma sameynayaan” ayuu yiri Prof. Saciid Ciise.

Gudoomiyaha xisbiga Dimoqraadiyada Dadka Prof. Saciid Ciise Maxamuud waa rug cadaa Siyaasadeed oo ka qeyb qaata horumarinta dimoqraadiyada iyo hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa Musharaxiintii isku soo taagay saddex ka mid ah doorashooyinkii madaxtinimo ee ka dhacay dalka, sidoo kale waa Barre wax ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacaddaha ku yaalla cariga Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -