Diyaaradii Madaxweyne Deni geyn laheyd magaalada Kismaayo oo ku hakatay Garawe

Safar maanta la filayay in madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kasoo dhoofay Boosaaso ku hakadeen Garawe.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo wafdiga la socday ayaa la filayay in garoonka Garawe uga sii ambo baxaan magaalada Kismaayo, hasa ahaatee waxaa soo baxay cilado sababay in safarka dib u dhaco.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka sababta u baaqday ay tahay in dib u dhac ku yimid waqtiga dhoofida wafdiga, waxaana la filayaa in beri galinka hore wafdiga Madaxweyne Deni u dhoofaan magaalada Kismaayo.

Soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa maanta si weyn looga diyaar garoobay magaalada Kismaayo, hasa ahaatee dadkii ka qeyb qaadan lahaa soo dhaweynta ayaa markii dambe lagu wargaliyay in wafdiga baaqdeen.

Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Kismaayo u tagaya ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaa sidoo kale munaasabada lagu casuumay madax kala duwan iyo siyaasiyiin caan ah.

- Advertisement -