Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo galay Fasax Sharci daro ah

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa maanta si adag uga hadlay Xildhibaano katirsan golaha Shacabka oo fasax la’aan maalmihii iyo saacadihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ugu ambo baxay.

Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad  Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Sheekh Muudeey oo maanta ka hor hadlay Xildhibaanada ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano badan oo si iskood ah u galay fasax sharci daro ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Muudey in saakay kaliya magaalada Muqdisho ka dhoofeen 2-Xildhibaan uu sheegay in aysan jirin cid fasaxday balse si iskood ah u galay fasax sharci daro ah.

Muudey ayaa xusay in Xildhibaanada ay gali doonaan fasaxooda sharciga balse looga baahan yahay in ay ka waantoobaan fasaxa sharci darada ay galayaan xili shaqooyin badan horyaalaan.

Xildhibaano badan oo dalka Dibadiisa ku maqnaa ayaa dalka Deg deg ugu soo laabtay xiligii ay taagneyd Mooshinkii Jawaari iyo sidoo kale Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xildhibaanadaasi ayaana doorashada kadib dib ugu laabtay dalalkii ay ka yimaadeen.

Baarlamaanka Aqalka hoose waxaa horyaala shaqo badan ay ugu horeeyaan meel marinta Hindiso sharciyeedyo muhiim ah ay Xukuumada usoo gudbisay Xildhibaanada Golaha Shacabka kuwaa oo looga fadhiyo in Xildhibaanada go’aan ka gaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -