Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa caawa ku dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir haweeney la sheegay iney ka tirsaneyd dadka degaanka.

Sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah haweeneydan ayaa ka mid aheyd shacab iskugu soo baxay buuq iyo gacan ka hadal dhexmaray reero deriskooda ah, waxaana goobta soo gaaray askarigan oo labo xabadood ku dhuftay haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Hani Ismaaciil Yuubane.

Meydka haweeneydan oo isla goobta ku naf baxday ayaa loo qaaday xarunta dembi baarista booliska (CID) ee magaalada Muqdisho

Askarigan dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, lamana oga sababta uu u dilay haweeneydan, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka degmada Dayniile oo bilaabay iney baadi goobaan askariga baxsadka ah ee dilka geystay.

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca maanta magaalada Muqdisho, saaka ayeyna aheyd markii dabley hubeysan ay degmada Yaaqshiid ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada, kuwaasoo ka dibna baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Lix Musharax oo u taagan doorasho beri ka dhaceysa Dhuusamareeb oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo amar cusub ku soo rogay degaanada Puntland

Caydiid Ali

Masar oo ku dhawaaqday go’aan ka dhan ah Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---