Siyaasi si adag uga fal celiyay Go’aankii lagu kala diray Guddigii Maaliyada Golaha Shacabka

Qoraal kasoo baxay Gudoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa lagu diray Guddigii golaha shacabka u qaabilsanaa Maaliyadda , Misaaniyada , Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha dowlada.

Go’aankan lagu kala diray Guddiga waxaa si adag uga hadlay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame , waxa uu sheegay in tilaabadan uu qaaday gudoonka uu horseedayo in sidoo kale lakala diro Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga hadlay kala dirista guddiga maaliyada.

Qoraalkani waa bilawgii dhamaadka Baarlamaanka. Waxaan shaki iiga jirin in uu xigi doono qoraal kale oo Baarlamaanka lagu xirayo ama lagu kala dirayo. Rajiimka talada haya waxaa ka dhaadhacsan in xalka Soomaaliya uu kalitalis iyo xukun wareegto ah ku jiro. Maadaama uusan heli karin awood ciidan uu falkaas ku taaba geliyo, taa bedelkeeda wuxuu adeegsanayaa xeelad walba oo kali talis ku hirgeli karo sida, qaybin, laaluush, hanjabaad, dhexmar iyo isku danaysi Alshabaab, cunaqabatayn ganacsi iyo ajnabi isku dhiib.

Waxaa laga faa’iidaysanayaa shacab daalan oo ay Alshabaab dil, qarax iyo baad ku dhufaaneen. Waxaase kali talisnimada shacabka u hoosaasinaya, xildhibaanka aragtiisu danaysi gaaban ku siman tahay, ganacsade ku riyoonaya in uu kalitaliska ka badqabo, maalmana ku ekaan doono, siyaasi afka haysta oo xukunka isku dhakaniya, iyo koox indha la’aan qabyaalada ku tageersan. Waxaanse Ilaaheey mahadii ah in aan joogno aduun ay awooda warbaahinta bulshada kali talis ka xoog badan yahay, aduunkana ka suulisay.

Waxaan ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan kalitalisnimo xiiso u qabin, gaar ahaan dhalinyarada xorta ah ee caqliga iyo xooga furan. Waa in aan isku tashanaa, iskana ilownaa Baarlamaanla la sharaf tiray, oo aan xaqeena u wada halganaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -