Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Halkee marayaa dhismaha xarunta cusub ee Madaxtooyada Galmudug? (Daawo sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay Dhismaha Xurunta Madaxtooyada ee cusub iyo Afar Wasaaradood oo Dhismahoodu ka socdo Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb.

Kormeerkan Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehlinayey wasiiro ka tirsan Xukumadda iyo Maamulka caasimada.

Injineerada gacanta ku haya Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha shaqada socota iyagoo sheegay in bisha September sanadkan 2020 aay soo dhammaandoonto.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha DGM ayaa u Mahad celiyay Shirkadaha iyo wasaaradda Howlaha Guud ee gacanta ku haya Dhismaha xarumahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fowsiya oo ka hadashay xarig loo geestay Agaasime katirsan Wasaarada Caafimaadka

Cabdi Cade

Madaxweynaha UAE oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Kenya

Caydiid Ali

Daalibaan oo Dagaal kula wareegtay Dooxada Panjshir iyo Dabaal deg bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---