Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Baarlamanka Somalia uu wado qorshe muddo kordhin labo sano ah?

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa isa soo tarayay warar ku saabsan qorshe muddo kordhin ah oo ay wadaan guddoonka Golaha Shacabka ee Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh iyo C/weli Ibraahim Muudey, kaasoo laga cabsi qabo in si lama filaan ah fadhiyada soo socda looga ansixiyo

Muddo kordhinta oo si aan qarsoodi ahayn ay ololihiisa u wadeen labada nin ee ugu sareysa Gudoonka Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale taageero ka heysta Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo; waxaana fadhiga maanta ee Baarlamaanka looga hadlayaa Sharciga Dembiyada la xiriira Galmada, iyadoo ay dhici karto in ajendaha loo bedelo si lama filaan ah sidii dhacday markii baarlamanku xilka ka qaadayey RW hore Khayre.

Guddoonka Golaha Baarlamaanka iyo xildhibaannada u ololeynaya muddo kordhinta ayaa ku doodaya in Baarlamaankan uu sii jiri doono inta uu ka imaanayo Gole Baarlamaan oo ku yimaada Doorasho qof iyo cod ah.

Casharkii laga bartay Qaabkii loo riday xukuumadii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre 25-kii July 2020 ayaa xaqiiqo ka dhigaya in Guddoonka Baarlamaanka hadda jira uu qaadi karo tallaabo kasta oo lama filaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan iskugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Caydiid Ali

Ciidamada Mareykanka oo soo riday dayuurad dagaal oo Turkigu leeyahay

Caydiid Ali

Bam caawa lagu weeraray Bar Kontrol oo ciidamada amnigu ku leeyihiin Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---