Allbanaadir.com
NEWS

Bam caawa lagu weeraray Bar Kontrol oo ciidamada amnigu ku leeyihiin Muqdisho

Qarax ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed lagu weeraray bar control oo xilliyada habeenkii ay ciidamada amaanku ku baaraan gaadiidka, taasoo taalla Buundada labaad ee ku dhow iskuulka Raage Ugaas.

Qaraxan oo meelo badan laga maqlay ayaa markii uu dhacay ka dib ciidamada amaanku waxay fureen rasaas lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ka dambeysay.

Khal-khal xooggan ayaa muddo kooban laga dareemay xaafadaha ku dhow goobta bamka lagu weeraray, iyadoo ciidamada dowladu ay sameeyeen howlgalo ay ku soo qaqabteen dhalinyaro ay tuhunsan yihiin.

Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay muddo saacado ah ka dib waxaana dib u furmay wadooyinka halkaas mara oo muddo kooban gaadiidkii marayey uu hakad ku yimid.

Maamulka iyo saraakiisha amaanka degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir ayaan ka hadlin weerarka caawa ka dhacay degmadaas oo qeyb ka mid ah weeraro iyo dilal mararka qaarkood xiliyada habeenkii ka dhaca Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo si weyn uga carrooday falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Cabdi Cade

Geed in ka badan 125-sanno Maxbuus ku ah Pakista iyo Sababta loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka dowlada oo dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, Mid kalena gacanta ku dhigay

Caydiid Ali