Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan iskugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan saraakiisha laamaha amaanka DF

Waxaa lagaga hadlay shirka dardargalinta hawlgallada ciribtirka al shabaab, dhammeystirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qorshaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amniga  marka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Waxaa uu tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Related posts

Dalalka Islaamka qaarkood oo caawa raadinaya bisha Shawwal iyo Warar sheegaya..

Caydiid Ali

Maamulka Bankiga dhexe oo War ka soo saaray Dabkii qabsaday xarunta Bankiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Ronaldinho Oo Halmar Laba Xaas Guursanaya & Faah-Faahin Laga Bixiyay Waqtiga Guurka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---