Xildhibaanada Golaha shacabka oo diiday ajendihii la horkeenay & buuq ka dhashay

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia ayaa diiday Ajendaha fadhigii maanta oo ka mida kalfadhiga 7-aad, kaasoo ku saabsanaa: Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Guddoonka ayaa isku dayey inay ansixiyaan Ajendaha, waxaana fadhiga ka hadlay xildhibaanno sheegay in Hindise Shaciyeedka la hor keenay Baarlamaanka uu ka horjeedo Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee dadka Soomaaliyeed, iyagoo dalbaday in dib loo celiyo.

Waxaa fadhiga hareeyey buuq fara badan oo lagu diidan yahay ajendaha la horkeenay oo xildhibaanadu ka biyo diidanayeen.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in la furo Ajendaha Doorashooyinka dalka, iyadoo ay jirto cabsi ku saabsan in Golaha Shacabka uu muddo kordhin sameysto taasoo haddii ay dhacdo uga sii dari karta xaalada siyaasadeed ee dalka mudooyinkanba gebi dhacleyneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -