Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof naftiisa soo biimeeyey ayaa lagu weeraray Xerada qeybta 12-ka Abriil  ee Ciidamada Xoogga dalka oo ku dhow garoonka ciyaaraha Istaadyum Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad u culus oo daryankiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay kaga arkayo uuro madow oo cirka isku shareetay.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in gaariga qarxay lagu dhuftay albaabka hore ee xerada oo ay joogeen ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo dad kale.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay inuu geystay qaraxan, waxaana dadka waxyeeladu soo gaaray ay iskugu jiraan ciidamadii ku sugnaa xerada iyo dad shacab ah oo halkaas ka dhowaa.

Ugu yaraan Lix qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey iney ku naf waayeen weerarkan halka tiro kale oo intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida ilo wareedyo kala duwan ay u xaqiijiyeen Allbanaadir Online, iyadoo khasaaruhu intaas ka badan karo.

Ciidamada amaanka DF ayaa xiray goobtaas, waxaana sidoo kale gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta oo daad gureynaya dadka dhimashada iyo dhaawacyadu ay soo gaareen si ay u gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka.

Afhayeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu geystay khasaare nafeed isagoo xusay iney wadaan tirakoobka iyo qiimeynta khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ay masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -