Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo ka hadashay Howlgal dad lagu dilay oo laga fuliyay Shabeelaha Hoose

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii Dhaxe waxa ay howlgal qorsheesan ka fuliyeen deegaanka Macalinka oo kuyaala Inta u Dhaxeysa Afgooye iyo Bariire.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada Huwanta ah ayaa intii uu socday waxaa lagu dilay dad ka badan shan qof, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dadka la dilay ay yihiin dad beeraleey ah oo xiligaasi la socday cagaf cagaf qudaar siday.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xalay ka dhacay Duleedka Bariire ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ku duulay goob bartilmaameed aheyd.

Waxa uu sheegay Afhayeenka dadka la dilay in ay ahaayeen xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna meesha ka saaray dadka howlgalkaasi lagu dilay in ay ku jiraan dad shacab ah.

”Waxaan idin xaqiijinayaa in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheesan ay fuliyeen ciidamada dowlada, dadka howlgalkaasi lagu dilay waxa ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab, waxba kama jiraan in dadka la dilay shacab yihiin ” Ayuu yiri Afhayeenka W/Amniga.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa sanadkii hore howlgal ay ka fuliyeen Bariire waxa ay ku dileen 7-qof oo ahaa shacab , waxaana dilkaasi ka dhashay caro xoogan oo ugu dabeyn sababtay in dowlada dadkaasi la dilay diyo ka bixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee ku dhacday in qaar kamid ah Ilaalada Axmed Madoobe ku biiraan Al Shabaab ?

Cabdi Cade

(Akhriso) Lafgareen oo Gudoomiye & Ku-xigeen cusub u Magacabay gobolka Bakool

Caydiid Ali

Daawo: Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta jeediyey hadal aad loola yaabay

admin