Allbanaadir.com
NEWS

Meydka nin si xun loo dilay oo lagu arkay Xaafad katirsan Muqdisho

Waxaa barqadii maanta Xaafada Radio Muqdisho ee katirsan Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu arkay meydka nin la gowracay sidoo kale indhaha laga soo bixiyay .

Dadka deegaanka ayaa arkay meydka ninkan oo yaala meel cidlo ah isaga oo qoorta laga jaray sidoo kale indhaha laga bixiyay, waxaana si weyn  u argagaxay dadkii arkay meydkaasi.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray halka lagu arkay meydka ninkan la gowracay oo da’diisa lagu qiyaasay 40-sano jir, lamana oga ilaa hada in goobtaasi lagu gowracay ninkaasi iyo in meydkiisa un la geeyay goobtaasi.

”Meydka barqadii maanta ayaan ku aragnay isaga oo meel cidlo ah dhax yaala, waan ka argagaxnay waana garan weynay ninkaasi, waxa uu xirnaa Jaakada Calanka Soomaaliya iyo buumo kaliya, hada meydka waa la qaaday ciidamaa u yimid” Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Maamulka Degmada Dayniile iyo laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin meydka ruuxa la gowracay ee  lagu arkay xaafadan katirsan Dayniile, laman aga ilaa hada wax uu ahaa ninkaasi la dilay iyo waliba cida dilkiisa ka dambeysay.

Magaalada Muqdisho mudooyinkan laguma arag qof la gowracay oo meel cidlo ah la dhigay, waxaana kaliya magaalada looga bartay in ay ka dhacaan dilal qorsheesan oo loo geesto dad bartilmaameed ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Farmaajo oo amar deg deg ah siiyey heyadaha DF ka dib booqashadii B/weyne

Caydiid Ali

DFS oo ku hanjabtay hubkii la boobay soo celineyso ayna tallaabo adag qaadeyso

Cabdi Cade

(Sawirro) Dab qabsaday Suuqa Laascaanood iyo Boolis goobta gaaray oo la weeraray

Caydiid Ali