Nin safrinayay boqolaal Dib-qalooc ah oo lagu qabtay garoon dayuuradeed (Sawirro)

Nin u dhashay dalka Shiinaha oo isku dayay inuu dalka Sri-Lanka ka dhoofiyo ilaa 200 oo Dub-qalooca halista ah ayaa la qabtay.

Ninkan ayaa Dub-qalooca ku dhex qariyay baakado caag ah, waxaana gacanta ku dhigay saraakiisha ammaanka ee garoonka diyaaradaha ee Colombo oo baaritaan ku sameeyey.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in ninka uu qorsheynayay marka uu Shiinaha tego inuu sunta ka saaro ama kala baxo Dub-qalooca.

Ka ganacsiga xayawaanada duur joogta, dahabka iyo daroogada ayaa waxaa uu caqabad weyn ku noqday dowladda Sri Lanka.

Ninka safrinayay ilaa 200 oo Dub-qalooc ah ayaa lagu ganaaxay ilaa 550 doolar, waxaana loo ogolaaday inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -