Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Geerida Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca oo la dardaarmay Saraakiisha ciidan loo diyaariyey dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali

Dacwad laga gudbinayo ciidamada Turkigu u tababaro dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Khilaaf ka dhex aloosan heyadda NISA & Digniin loo diray Madaxda DF & D/goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---