Dufcadihii ugu horeeyey oo ka qelin jebiyey Taqasuska Caruurta ee Jaamacada Benadir

Dufcadihii 1aad iyo 2aad ayaa ka qelin jebiyey maanta taqasuska Daweynta cudurada Caruurta ee Qeybta Waxbarashada Sare ee Jaamacadda Benadir, iyadoo Munaasabad arrintaas la xiriirta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Benadir, aqoonyahano, arday iyo Marti sharaf kale.

Aqoonyahanada dhameystay qeybta taqasuska cudurada caruurta (Master of Pediatric) ayaa ka kooban 7 arday oo isugu jiray 3 hablood iyo 4 Wiil, waxayna difaacdeen buugga qelin jebinta, iyagoo Munaasabadan ku soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo ay ka soo sameeyeen xaaladaha Caafimaad ee heysata caruurta ku nool magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo si cilmiyeysan loo soo diyaariyey.

Dr. Tahliil Cabdi Afrax oo ah Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir, ahna xiriiriyaha qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir oo ka hadlay munaasabadan ayaa u hambalyeeyey ardayda ka qelin jebisay qeybta Waxbarashada heerka labaad.

“Tayada sare iyo habka quruxda badan ee loo soo diyaariyey cilmi baarisyada halkan laga jeediyey ayaa aad ii soo jiitay, waxaad leedihiin mustaqbal aad u fiican dedaalkiina halkaas ka sii wada” ayuu yiri Dr. Tahliil Cabdi Afrax.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof/Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Biday) oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sheegay Iney yihiin Dufcadihii 1aad & 2aad ee ka soo baxda taqasuska daweynta cudurada Caruurta taasoo uu xusay iney tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda.

“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacada Banaadir (Master) ka qelin jebisay dufcadihii ugu horeeyey ee dhameystay taqasuska cudurada caruurta kuwaasoo ka kooban illaa 7 dhaqtar oo isugu jira Hablo iyo Wiilal, waana idinkugu hambalyeynayaa guusha aad gaarteen” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dr. Biday ayaa ka waramay muhiimada uu leeyahay taqasuska cudurada caruurta iyo daaweyntooda, isagoo xusay in caruurta Soomaaliyeed ay xiligan heystaan dhibaatooyin badan oo iskugu jira cudurada faafa iyo qaar ka dhashay nafaqo darada, kuwaasoo uu xusay in dhaqaatiirta qelin jebisay looga fadhiyo iney xoojiyaan wax ka qabashadooda.

Senator. Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah Madaxda qeybta daraasaadka sare ee Jaamacadda Benadir ahna Guddoomiyaha guddi hoosaadka adeega bulshada ee Aqalka sare oo isna xaflada hadalo jeediyey ayaa hambalyada ka sokow tilmaamay in ardayda qelin jebisay ay ka dhabeeyeen gaaritaanka yoolkii ay higsanayeen wuxuuna dhinaca kale ku dheeraaday dedaalka Jaamacadu ugu jirto sare u qaadida aqoonta iyo waxbarashada dalka.

“Markii aan fureynay qeybta daraasaadka sare waxay nala aheyd riyo iyo wax mala awaal ah oo aan dhici karin, balse dedaal dheer oo Jaamacadu u gashay arintan ka dib ILAAHAY waa ku guuleeyey, miraha ka dhashayna adinka iyo kuwo badan oo idinka horeeyey ayaa ka mid ah” ayuu yiri Prof. Dufle oo u mahad celiyey waalidiinta, macalimiinta iyo intii kale ee ka qeyb qaadatay sidii ardaydan ay u gaari lahaayeen hiigsigooda.

Qaar ka mid ah ardayda qelin jebisay ayaa sidoo kale u mahad celiyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada oo juhdi badan ku bixiyey heerka ay soo gaareen.

Munaasabadan oo ku soo gebagebowday jawi aad u farxad badan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Prof. Axmed Yuusuf Guuleed, Dr. C/raxmaan Macallin Fiqi, Dr. Maxamed Maxuud Fuje, Dr. C/samad Abiikar Xaaji oo dhamaantood ka mid ah Mu’asasada Benadir iyo xubno kale.

Maamulka Jaamacada Benaadir ayaa dedaal badan iyo juhdi geliyay sare u qaadida aqoonta kumanaanka arday ee wax ka barata qeybaha Waxbarashada heerarka Koowaad iyo Labaad  (Bachelor and Master Degree), taasoo Jaamacadda ka dhigtay iney ka mid noqoto kuwa ugu wanaagsan Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -