Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka la wareegay xarunta Dawladda hoose ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in raggan hubeysan ay xirxireen waddooyinka soo gala xarunta, iyagoo gabi ahaanba joojiyay dhaqdhaqaaqii shaqaalaha ee maanta.
Shaqaalaha dawladda hoose ayaa la sheegay in loo diiday inay xarunta galaan.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadku ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Waaxda Arimaha Bulshada Dawladda Hoose ee degmada Galdogob Abdiqani Abdinuur Cusmaan.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada ama laamaha ammaanka ee ku saabsan xiisada ka taagan degmada Galdogob inkastoo waxgaradka degaanka ay bilaabeen dadaalo xiisada lagu qaboojinayo.