Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

FBI-da oo dabagal ku heysa kooxdii jabsatay baraha Twitterka shaqsiyaad caan ah

Heyadda dembi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa billowday baaritaan dib markii la jabsaday cinwaanada ay Twitter-ka ku leeyihiin shakhsiyaad caan ka ah dalkaas oo iskugu jira maal-qaabeeno iyo madax kala duwan.

Shakhsiyaadka caanka ahaa ee cinwaannadooda Twitter-ka la jabsaday waxaa ka mid ah Barack Obama, Joe Biden, Kanye West iyo Bill Gatesiyaga oo cinwaannadooda lagu dalbaday in tabarruc lacageed la sameeyo.

Inkastoo saacado kaddib la xaliyey mashaqadan, hadana weerrarada internet-ka ayaa soo bata waqtiyada doorashada dalka Mareykanka.

“$1,000 adeegga Bitcoin ah soo xawil aan $2,000 kuu soo celiyee” ayaa lagu soo daabacay bogagga dadkan caanka ah ee la jabsaday bogagooda, taasoo noqotay wax aad loola yaabay.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Maraykanka iyo caalamka oo dhan, iyadoo shirkadda Twitterka oo shalay war kooban soo saartay ay ku sheegtay iney baareyso sida ay arrintan ku dhacday.

Masuuliyiinta shirkadda Twitter ayaa sheegay inay saacadaha soo socda war kasoo saari doonaan qaabka arrintani ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Madaxda dunidu uga falcelisay weerarka ka dhacay dalka New Zealand?

Caydiid Ali

Galmudug oo qaadacday Shir Madaxweyne Xasan maanta furay (Akhriso)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlad goboleedka Puntland oo soo saaray amar ka dhan ah Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---